DEG DEG: Mareykanka oo Liiska argagixisada ka saaray Sheekh Mukhtaar Roobow

WAAJIDPRESS – 23 JUN 2017:

Dowladda Mareykanka ayaa liiska Argagixisada ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Abuu Mansoor ayaa ahaa Hoggaamiye kuxigeenki hore ee Al-Shabaab, sidoo kale waxaa uu mar soo noqday Afhayeenka Al-Shabaab.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u xaqiijisay VOA in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga, waxaana madaxiisa dul saarnaa 5 milyan oo dollar.

Abuu Mansoor ayaa sanadihii u dambeeyay la hadal hayay inuu wada hadalo hoose kula jiro Dowlad Goboleedka Koonfur GALBEED.

Abuu Mansuur ayaa la sheegay inuu xurguf ay soo kala dhex gashay Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Abuu Zubeyr, kaddib markii ay dhowr arrimood isku qabteen oo ka mid ahaa Saraakiil ka tirsanaa Ururkaas oo la khaarijiyay, taas ayaana sabab u aheyd inuu gooni uga baxo ururkaasi.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: