War deg deg ah: Sacuudiga oo fashiliyay weerarro lala damacsanaa Xaramka & is-miidaamiye is qarxiyay

WAAJIDPRESS – 23 JUN 2017:

Dowladda Sacuudiga ayaa goor dhoweyd shaacisay inay hay’addaha ammaanka dalkaasi ay ka hortageen falal argagixiso oo loo qorsheeyay in lagu qaado Xaramka Maka Almukarama.

Wararka ayaa sheegaya in laba koox oo doonayay inay fuluyaan weerarro argagixiso ay isku diyaariyeen saddex goobood magaalada Maka Almukarama ee Xaramka (Kacbada) ay ku taallo iyo Magaalada Jidda, mid ka mid ahna uu isku qarxiyay xaafad ka mida magaalada Maka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in kooxdan argagixisada ah ay qorsheeyeen inay weeraraan dadkii dukanayay habeenka la dhammeynayo akhrinta quraanka ee caawa si dad fara badan ay u waxyeeloobaan.

Falkii is qarxinta ee koowaad ayaa la sheegay in looga hortegay xaafadda Casiila ee magaalada Maka, iyadoo Is-miidaamiye kale lagu celiyay xaafadda Ajyaad ee magaalada Maka oo ka mida Masjidka Xaramka ee Kacbada ku taallo.

Is-miidaamiye ku jiray guri ku yaalla xaafadda Ajyaad ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay ciidamada ammaanka isagoo diiday inuu is dhiibo, wuxuuna markii dambe isku qarxiyay goobtii. Qaraxa ayaa dhaliyay lix qof oo dhaawac ah oo ka mida dadkii Cumrada u joogay iyo shan askari.

War ay soo saareen ciidamada ammaanka Sacuudiga ayaa lagu sheegay inay qabteen shan qof oo la tuhunsan yahay oo ay haweeney ka mid tahay iyagoo baaritaan lagu hayo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: