Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ka hadashay xayiraada laga qaaday Muqtaar Roobow

WAAJIDPRESS – 24 JUN 2017:

Dowlad Koonfur Galbeed, ayaa ka hadlay tallaabada Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansur looga saaray liiska waxa loogu yeero argagixisada, kadib war ka soo baxay Wasaaradda arimaha dibada dalka Mareykanka.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Koonfur Galbeed Dr. Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa sheegay tallaabo wanaagsan inay tahay Sarkaal heerkaasi darajadiisa ay tahay oo Shabaab ka tirsanaa in hadda xayiraada laga qaado.

Xasan Cabdi ayaa sheegay in umadda Somaliyed ay ku faraxsan yihiin xayiraada laga qaaday Sarkaalkaan oo darajadiisa ay sareyso, xilligaana madaxda Shabaab ay garawsanayaan inay ka soo baxaan waxa ay ku jiraan.

“Umadda Somaliyed guud ahaan waxa ay u aragtaa in masuul heerkaas ka joogay Ururka Gumaadka Umadda Somaliyed cunaqabateyn caalami ah, dhanka dhaqaalaha iyo la socodkiisa, la yiraahdo waa laga qaaday sharaf weyn ayeey u tahay, waxayna tilmaamaysaa umadda Somaliyed si tartiib tartiib ah uga soo baxayaan Hogaamiyeyaashii sar sare ee Shabaab ay garawsadeen inay ka soo baxaan Shabaab, guud ahaan waan soo dhaweynaynaa.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed.

Sarkaal Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ka tirsan, ayaa xaqiijiyay in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ay Dowladda Mareykanka ka saartay liiska argagixisada.

Dad badan ayaa isweydiinaya danta Mareykanka uu ka leeyahay ee ku aadan xayiraada laga qaaday Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo madaxii ay dul taalay lacag dhan Shan Milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Abuu Mansuur waxaa uu horey u soo noqday Afhayeenka Ururka Al Shabaab iyo Kuxigeenka Amiirkii hore ee Al Shabaab, Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane).

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: