War deg deg ah: Qarax caawa MUQDISHO Ka dhacay iyo Taliyihii ciidamada Gobolka GEDO oo la diley

WAAJIDPRESS – 24 JUN 2017:

Wararka caawa naga Soo gaaraya Xaafadda Aargada ee Degmada Wadajir ee Muqdisho ayaa ku waramaya in qarax miino uu halkaas ka dhacay.

Qaraxan oo ahaa bambaanada gacanta laga tuuro ayaa lagu soo waramayaa in Caawa uu ku geeriyooday hal Ruux, kaasi oo ku sugnaa nawaaxiga Xaafada Aargada ee Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale uu jiro dhaawaca labo Ruux oo Shacab ah ka soo gaaray Qaraxaasi.

Dhinaca kale, Wararka laga helayo Magaalada Ceelwaaq ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan halkaasi ay ku dileen Taliyihii Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda qaarkood oo la hadlay Idaacaddaha Shabelle , WAAJIDPRESS iyo kuwa kale ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dabley hubeysnaa ay toogasho ku dileen Taliyihii Ciidamada ee Gobolka Gedo, Cabdirashiid Barre Gurxan.

ALLAHA U NAXARIISTO Marxuumka ayaa lagu dhex toogtay hooygiisa oo ku yaalla Magaalada Ceelwaaq kadib markii ay weerareen Dabley ku hubeysnaa bistoolado, sida ay sheegayaan Saraakiishan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: