War cusub: Wasiir ka tirsan Somaliland iyo Ciidamo uu wato oo tagay Degmada Qardho ee Boosaaso

WAAJIDPRESS – 24 JUN 2017:

Qardho–KNN–Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka bada Somaliland Cali jaamac Faarax (CaliBuureed) (oo Ka soo jeeda Beesha Warsengeli – Daarood), ayaa gaaray Magaalada Qardho ee Gobolka Bari ee Puntland.

 

Wasiir Cali oo watay ciidan ilaalo ah oo aad u faro badan ayaa safarkiisa ka soo bilaabay Magaalada ceerigaabo wuxuuna safar dhulka ah ku soo maray deegaano badan oo puntland ah gaar ahaan gobalada ay puntland ula baxday hayland iyo karkaar sida Magaalooyinka baraagaha , Xilgalool , Dhahar, xeradaamuudal, sanjilbo iyo magaalada Qardho oo uu ugu danbayn wasiirku soo gaaaray sida ay sheegtay Warbaahinta ka Howlgasha Degaanada Puntland.

 

Cali Buureed ayaan la kulmin intii uu safarkiisa ku jiray cid ka tirsan maamulka puntland oo wax ka waydiisay ujeedka safarkiisa iyo sababta uu qardho u yimid, waxaana uu degay markii uu gaaray magaalada Qardho hotelka caanka ee Ala’aamin kaas oo ku yaal faras magaalaha islamrkaasna ah goob inta badan lagu falanqeeyo arimaha siyaasada Puntland.

Waxaana sida la sheegay uu dib ugu laabtay labo beri kadib habeenkii xalay Magaalada dhahar.

Puntland ay ku soo baraarugtay markii uu dib u ugu laabtay Wasiirka Kaluumeysiga Somaliland degmada Dhahar.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: