Dowladda oo sheegtay in adeegga Internet uu dhawr cisho maqnaan doono

WAAJIDPRESS – 25 JUN 2017:

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta Somaliya, ayaa ka hadashay adeegga Internet-ka ee ka maqan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya, tan iyo xalay.

Adeeggan oo inta badan ay bixiyan shirkado ay ka mid yihiin Hormuud, Global iyo Somtel, ayaa caweysnimadii xalay mar qura laga war helay in uu go’an yahay.

Axmed Xaaji Cabdi, Agaasimaha Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in cilad ay ku timid Internet-ka, ka dib markii uu markab jiiray barta ay ku kulmaan laba cable oo Internet ah, oo Somaliya uga kala yimaada Wadamada Jabuuti & Kenya.

“Fiillooyin cable ah oo nooga kala yimaado Kenya iyo Jabuuti, meel ay iska galaan ayuu markab jiiray, markab kale ayaa loo soo diray oo samaynayo.” Ayuu yiri Agaasimaha.

Agaasimaha, ayaa intaa ku daray in hagaajinta Internet-ka ay qaadan doonto muddo dhawr cisho ah, taasoo sida uu muujiyay caqabad ku ah dowladda iyo shacabkuba.

Axmed Xaaji, ayaa iftiimiyay in Xafiisyada Madaxweynaha Somaliya & Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda ay u xaniban yihiin adeegga Internet-ka ee go’an.

Tan iyo xalay, ayay Internet la’aan ka jirtay magaalooyinka iyo degmooyinka dhaca Koonfurta & Bartamaha Somaliya, taasoo ka careysiisay qaybaha bulshada.

Magaalada Muqdisho oo kale oo si weyn looga isticmaalo adeegga Internet-ka, ayaa waxaa dadka saamayn ku yeeshay maqnaanshaha adeegaasi.

Tani waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo ay maanta ahayd maalintii 1-aad ee Ciidul Fitriga. Dad badan oo qoysaskooda, eheladooda iyo asxaabtooduba doonayay in ay kula xiriiran barraha bulshada munaasabadda Ciidul Fitriga awgeed, ayaynaan taasi u suuragelin.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: