War deg deg ah: Moshin lagu Ridaayo Raisul Wasaare Kheyre iyo ………

WAAJIDPRESS – 26 JUN 2017:

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inuu labada bisha July uu socdaal kale ku tago magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, oo dhowr toddobaad ka hor un uu kasoo noqday.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in socdaalka Kheyre uu salka ku hayo cadaadis siyaasadeed oo soo wajahay, islamarkaana uu asaga dalbaday inuu la kulmo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Kheyre, ayaa waxaa kusoo wajahan mowjado siyaasadeed, ayada oo la filayo in mooshin xil ka qaadis laga gudbiyo marka uu furmo kalfadhigga baarlamanka, sideedda bisha July, waxaana la sheegay inuu caawimaad ka raadinayo Ethiopia.

Waxaa jira tuhunno ku saabsan in mooshinkan ay ku lug leedahay Ethiopia, taasi oo Kheyre uu doonayo inay ka caawiso in la damiyo.

Mooshinka ayaa waxaa sidoo kale ku lug leh siyaasiyiin ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sheikh Aadan, oo xildhibaano badan ku leh baarlamanka, iyo Cumar Cabdirashiid, oo wakil ka ah dowladda Imaaraadka.

Imaaraadka, ayaa sidoo kale la tuhmayaa inay qeyb ka yihiin mooshinkan, waxaana maalmihii dambe Muqdisho laga dareemayey xildhibaano ku xiran Imaaraadka oo mooshinka gadaal ka riixaya.

Haddii Ethiopia ay ka caawiso Kheyre daminta mooshinka, waxaa taas ay ka dhignaan doonto, inuu si rasmi ah u noqon doono siyaasi ku xiran kana amar qaata Addis-Ababa.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: