SOOMAALIYA OO dhan OO WELI Ka go’an yahay Adeega Internat- ka

WAAJIDPRESS – 27 JUN 2017:

Muqdisho – Adeegga Internet-ka Soomaaliya ayaa ka maqan gobollada koonfurta maalinkii afaraad oo xiriir ah, waxaana muuqata qalad weyn oo Soomaaliya ka jira, oo dhaliyey saameyn ballaaran.

Maqanaanshaha internet-ka ayaa yeeshay saameyn xooggan, islamarkaana sababay inay istaagaan adeegyadii guud ee aas-aasiga ah ee dalka, maadaama internet-ka hal meel ka yimaado.

Internet-ka oo ah nooca Viber Optic ayaa waxaa keena fiilo weyn oo badda soo marta, taasi oo la sheegay inuu jaray Markab badda marayey.

Waxaa intaas dheer, in dadku aysan awoodin inay la xiriiraan ehalladooda dibedda ama aqristaan wararka waxa ka socda guud ahaan Soomaaliya iyo caalamka, oo ku xiran net-ka.

Warbaahin badan ayaa awoodi weysay inay wararka geliyaan website-yada, si ay u aqristaan dadka qurbaha jooga, inkasta oo Websites qaar ay adeegsaneyaan taleefanno wararka loogu soo gudbiyo, kadibna laga qoro dibedda, halka markii hore gudaha laga soo qori jiray.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: