War hadda soo dhacay: Dagaal Culus oo ka dhacay Duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh.Dhexe

WAAJIDPRESS – 27 JUN 2017:

Wararka laga helayo Gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay weerar xoogan ku qaadeen Degaano ay gacanta ku hayaan Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Ciidamada Dowladda ayaa inta aysan Shabaab la dagaalamin waxa ay si nabadgelyo ah kula wareegeen  Cali-fooldheere iyo Qurac-madoobe, kadibna Alshabaab ayaa dagaal ku soo qaaday halkaasna waxaa ka dhacay dagaal qaraar sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Abaanduulaha Ciidamada Dowlada Gen. C/laahi Cali Caanood (oo ka soo jeeda beesha MAREEXAAN) ayaa horkacaya Howlgalka ka soconaya Bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana ku wehlinaya Saraakiil Midowga Afrika ka tirsan.

Xaalada degaanadaas ayaa laga soo sheegayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo saan saan dagaal, waxaana dadka deegaanka ka cabsi qabaan inuu saameyn ku yeesho dagaalada saakay ka qarxay degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: