Xildhibaan Mahad Salaad oo Weerarkii ugu Xooganaa ku qaaday Taliyaha Nabad Sugidda & Xog Badan oo soo Ifbaxday

WAAJIDPRESS – 27 JUN 2017:

Maalmihii Ciida waxaa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Mogadishu Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) isaga oo isbarbardhig u sameeyay Qaraxyadii iyo Dilalkii Mogadishu ka dhacay sanadkii 2016 iyo kuwa dhacay Bishii Ramadaan ee sanadkaan 2017! Waxa uu isbarbardhigayana ay tahay sanad 12 bilood ka kooban iyo bil 30 maalmood ka kooban sida uu ku sheegay shirkiisa Jaraa’id! Wuxuuna ku bilaabay hadalkiisa sida soo soocta:

1. Sanadkii 2016 waxaa Magaalada Mogadishu ka dhacay 28 qarax! Waxaana qaraxyadaas ku dhintay 80 qofood! Dilal qorsheysana waxaa lagu dilay 40 qofood!

2. Bishaan Ramadaan ee sanadka 2017 waxaa Mogadishu ka dhacay 3 qarax! Waxaana qaraxyadaas ku dhintay 28 qofood! Dilal qorsheysana waxaa lagu dilay 12 qofood! Waxaana la dhaawacay 40 qofood!

3. Bishaan Ramadaan qaraxyadu waxay hoos u dhaceen 90%! Dhimashadana waxay hoos udhacday 80%!

Taliyow horta aan ku saxee sanad waxaa lala barbardhigaa sanad, bilna bil ee marka hore raali ahoow!

Sidoo kale hadaan tusaale usoo qaato, labadii Ramadaan ee sanadkii 2016 iyo sanadkaan 2017 sida aad ka arki karto faylasha Xarunta aad madaxda ka tahay tuban oo aan umaleynayo inaadan wali waqti u helin aad ku eegto sida hadaba aadan waqti ugu helin inaad iska saxdo markii aad sheegaysay wadarta guud ee dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii lasoo dhaafay!

1. Bishii Ramadaan ee sanadkii 2016 Magaalada Mogadishu waxaa ka dhacay hal qarax kaas oo lagu weeray Hotel Naasa Hablood 1, waxaana ku dhintay 10 ruux oo uu ku jiray Wasiiru Dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka Bey’adda Burci Maxamed Xamza AUN.

2. Ramadaan kaan hada dhamaaday ee 2017, waxaa ka dhacay Magaalada Mogadishu saddex weerar oo is qarxin ah mudo waliba 9 maalin gudahood ah.

Weerarkii 1aad: waxaa uu dhacay 14-kii bishii June, kaasoo lagu qaaday Maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats oo isku dhow, waxaa weerarkaas ku dhimatay illaa 28 ruux.

Weerarkii 2aad: waxa uu dhacay 20-kii bishii June, kaasoo lagu qaaday Xarunta Maamulka Degmada Wadajir, waxaana ku dhimatay 14 ruux oo dumar u badan.

Weerarkii 3aad: waxaa uu dhacay 22 bishii June, kaasoo lagu qaaday Saldhiga Degmada Waabari, waxaana ku dhimatay illaa 8 ruux oo uu ku jiro Wasiirkii Dhalinyarada Jubbaland Maxamed Yuusuf Aw Libaax.

3. Sidoo kale waxaa dilal qorsheysan lagu dilay Magaalada Mogadishu intii lagu gudo jiray bishii Ramadaan ee sanadkaan dad kor u dhaafaya 40 qofood!

4. Isku celcelis bishaan Ramadaan waxaa Magaalada Mogadishu lagu dilay 90 qofood ugu yaraan sida laga soo xigtay Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Mogadishu iyo Warbaahinta Madaxa banaan ee Magaalada Mogadishu.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: