War deg deg ah: Qarax ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacay dalka Kenya

WAAJIDPRESS – 28 JUN 2017:

Qarax ay dad badani ku dhinteen, ayaa Talaadadii ka dhacay dalka Kenya, iyadoo dadka dhintay ay ku jiraan afar carruur ah, oo la sheegay inay arday ahayd.

Qaraxan oo ahaa miino wadada dhinaceeda lagu aasay, ayaa lala beegsaday gaari ay leeyihiin Ciidamada Booliska, oo ka soo dhaqaaqay Bariga Degmada Lamu ee Gobolka Xeebta.

Gaariga oo jidka ka soo qaaday arday, ayaa waxaa la sheegay in qaraxu uu ku haleelay inta u dhaxeyso Deegaanada Mararani iyo Kiunga, waxaana la xaqiijiyay in ay ku dhimatay sideed qof, oo afar ka mida ay arday tahay.

Ardayda, ayaa ahayd arday dhiganeysay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Kiunga, waxayna ka soo laabatay fasaxa Ciidul Fitriga, oo qoysaskoody ay kula qaadanayen Degmada Lamu. Xilligii uu qaraxu haleelayay waxay ku sii jeedeen iskuulkii ay dhiganayen.

Suxufiyiinta ka hawlgasha Gobolka Xeebta, ayaa soo sheegaya in qaraxu uu haleelay gaarigaasi, intii aanay ardaydu gaarin iskuulka.

Saraakiisha Booliska Lamu, ayaa sheegay in ciidamada ay wadada ka sii qaadeen 14 arday, afar ka mid ahna ay dhinteen, shan kalana ay dhaawacmeen, iyadoo laba ka mida ay xaaladooda garaab tahay.

Booliska, ayaa sheegay in dhaawacyada ardayda la keenay Isbitaalka Lamu, oo lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: