Archive for Luulyo, 2017

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre oo war deg deg ah caawa ka soo saaray xafiiskiisa asagoo ka hadlay Khasaaraha soo gaaray

Luulyo 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 JUL 2017:

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyadeeyey askartii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay degaanka Golweyn. Ciidankaas oo isugu jira kuwa AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Ciidanka AMISOM waxey ka yimaadeen dalalkooda si ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah oo caadeystay inay shacabka laayaan, isla markaasna doonaya in ay hor istaagaan horumarka ay dawladda iyo shacabku ku tallaabsadeen.

Ciidanka AMISOM waxey diyaar u yihiin inay dhiiggooda u huraan wallaalahooda Soomaaliyeed, waana uga mahadcelineynaa sida geesinimada leh oo ay ugu soo gurmadeen dalkan.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalalka Afrika ee ciidamadooda u soo direy Soomaaliya uga tacsiyeeyey, geerida ku timid, isagoo sheegay in huridda dhiigooda uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed ay uga mahadcelinayaan. Ciidamada AMISOM waxey wadanka u joogaan in dalku uu noqdo mid amni ah, iyadoo aan ognahay cidda diidan nabadda inay tahay kooxaha argagaxisada ah oo shacabka ka hortaagan inay nabad ku noolaadaan.

Militariga dalka Uganda ayaa waxay sheegeen in 12 ka mid ah askartooda la dilay 7 kalana lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo ay Al-Shabab ku qaadeen Axaddii koonfurta Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa waxa ay qayb ka ahaayeen kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika oo ay si wadajir ah howlgal u wada fulinayaan ciidamada Soomaaliya.

Al-Shabab ayaa waxa ay horey u sheegeen inay weerarkaas ku dileen 39 askari balse ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada labada dhinac iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkan.

Advertisements

DAAWO: GACAN KU DHIIGLIHII DILEY WASIIR CABAAS OO MAANTA MAXKAMADA CIIDAMADA KU XUKUNTEY DIL TOOGASHO AH

Luulyo 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 JUL 2017:

 

Akhriso Ka dib DAAWO: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay saraakiisha ciidamada & guddiyo la magacaabay

Luulyo 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 JUL 2017:

Madaxweyne Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay saraakiisha qalabka sida.

Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalka.

Kulankan waxaa looga hadlay qorshayaasha guud ee la xiriira tayeynta iyo tababarradda ciidamada, dagaalka lagula jiro argagixisada, xoojinta wada shaqaynta ciidamada iyo hanashada ammaanka guud ee dalka kahor inta uusan soo idlaan howlgalka ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM).

Madaxwaynaha ayaa ku amray saraakiisha ciidamada in ay soo dhisaan guddi ka shaqeeya diyaarinta qorshe midaysan oo ku aaddan xoojinta wada shaqaynta laamaha kala duwan ee ciidamada.

Madaxwayne Farmaajo ayaa u xaqiijiyey sarakiisha ciidamada in ay dowladdu qaadayso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo tayeynta iyo xoojinta ciidamada.

Taliye kuxigeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay dhiseen guddi ka kooban 8 xubnood oo ka kala tirsan saraakiisha ciidamada xoogga dalka, Booliska, Nabad sugidda, iyo Asluubta.

Guddigaan la magacaabay ayaa Madaxwaynaha muddo kooban kadib usoo gudbindoona qorshe midaysan oo ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Dalka – DAAWO:

 

War hadda soo dhacay: Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Luulyo 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 JUL 2017:

Qarax xoogan ayaa gelinkii dambe ee maanta waxuu ka dhacay Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhashay gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxuu ka dhacay Waaxda Horseed ee Degmada Waabari, sida Goobjooge u sheegey Idaacaddaha.

Waxaa uu intaasi ku daray in 3 Ruux oo labo ka mid ah ay yihiin dumar ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Goobjoogahan ayaa xusay in dhaawaca loo qaaday isbistaal, si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu soo dabiibo.

Wararka ayaa sheegaya in Gaari waxyaabahan qarxa laga soo xiray uu la haa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Weli majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan ka dhacay Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa imaanaya maalin un kadib markii Weerar ismiidaamin ahaa uu ka dhacay nawaaxiga Saldhiga Booliska ee Waabari, kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 Ruux.

War deg deg ah DAAWO: XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA OO MAANTA SOO JEEDIYEY IN XILKA LAGA QAADO WASIIRKA DASTUURKA Mr. XOOSH MAADAAMA UU U GEFAY BAARLAMAANKA

Luulyo 31, 2017

WAAJIDPRESS – 30 JUL 2017:

 

Barlamaan ka Somaaliya Oo Mooshin Ka Keenay Wasiirka Datuurka

Luulyo 31, 2017

WAAJIDPRESS – 30 JUL 2017:

 

 

DAAWO KA DIB AKHRISO: MADAXWEYNAHA DOWLAD Goboleedka KOONFUR GALBEED OO ISKU SHAANDHEYN KU SUUBIYEY GOLAHIISA WASIIRADA

Luulyo 30, 2017

WAAIDPRESS – 30 Jul 2017:

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa magacaabis, xil ka qaadis iyo isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, kaddib markii maalmihii la soo dhaafay uu waday wada tashi la xiriiray dhismaha Gole Wasiiro.

Golaha Wasiirada Koofur Galbeed ayaa ka kooban 24 Wasiir, 24 Wasiir kuxigeen iyo 9 Wasiiru dowle, iyadoo la soo yareeyay tirada wasiiradii hore.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka inay ansixiyaan Golahan Wasiirada cusub.

Waxaa uu sheegay in aan loo baahneyn mucaarado iyo diidmo, balse loo baahan yahay in lala shaqeeyo Wasiirada cusub.

Golihii Wasiirada hore ee Koofur Galbeed oo muddo labo sano shaqeynayay ayaa ahaa kuwo aan marna la horgeyn Baarlamaanka oo shaqeynayay, iyagoo aan wax kalsooni heysan.

 

 

 

 

War deg deg ah: Qarax gaari oo ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama

Luulyo 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 JULY 2017:

Qarax ayaa goor dhaw wuxuu ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, iyadoo jugta qaraxa si weyn looga maqlay Magaalada gudaheeda.

Gaari maraayay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Saldhiga Waaberi iyo Hotel Maka Al-Mukarama, ayaa mar kaliya qarxay, waxaana uu u muuqday qaraxa mid gaariga ay ku jireen, maadaama mar kaliya uu qarxay gaariga.

Gaariga qarxay ayaa hor maraayay Midnimo Super Market oo ah xarun ganacsi kuna taalo laamiga dabka, waxaana jira khasaare dhimasho ah oo ka dhashay gaarigaasi qarxay.

Afhayeenka ayaa sheegay in ugu yaraan 5 Qof ay ku dhinteen Qaraxa islamarkaana in ka badan 10 kale ay ku dhaawacmeen.
Dhanka kale Goobjoogeyaal ku sugnaa Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Dadka ku dhintay Qaraxa ay ka badan yihiin illaa 10 Qof,halka dhaawacuna uu gaarayo illaa 15 kale.

Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa durbadiiba ku cararay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana la xiray wadada, iyadoo hadda ay socoto baaritaanka gaariga qarxay iyo shaqsigii watay.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkaan dambe ammaanka Magaalada Muqdisho uu ahaa mid hagaagsan oo aysan ka dhicin qaraxyo iyo falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa shalay sheegay muddo bil ah Magaalada inuusan ka dhicin qarax, sidoo kalena ay yaraadeen dilalkii ka dhici jiray Magaalada, waxaana uu sababta ku sheegay.

“Aan idin sheego sababta hal bil ka badan uusan qarax u dhicin, sababta ay u yaraatay dadkii la layn jiray, sababta amni iyo kala dambeen uu u bilowday inuu magaaladan ku soo noqdo, sababta umadda rajadeeda kor ay ugu kacday, sababta iftiin cusub oo Somalinimo ah ay u muuqato, waa shaqadii idinka aad qabateen. Shaqadii waa muuqataa marka.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.

DAAWO: BAARLAMAANKA PUNTLAND OO MAANTA ANDIXIYEY 4 DEGMO OO CUSUB OO LAGU KORDHIYEY MAAMULKA DEEGAANADAASI

Luulyo 29, 2017

WAAJIDPRESS – 29 JUL 2017:

 

War deg deg ah: Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho

Luulyo 29, 2017

WAAJIDPRESS – 29 JUL 2017:

Waxaa goordhow Qarax xoogan uu ka dhacay Isgoyska Ex-Kontarool Balcad ee degmada Heliwaa Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay Qaraxaasi oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 qof oo la socday Gaari nuuca NOAH ah oo mareysay Isgoyskaasi Ex-Kontarool Balcad.

Dhaawacyada Labadaasi qof ayaa loola cararay Isbitaalka Carafaat ee degmada Yaaqshid Gobolka Banaadir.

Goob jooge ku sugan halka uu qaraxa ka dhacay ayaa Idaacaddaha u sheegay in Gaari B.L ah uu haleelay Qaraxa ayna jiraan dad shacab ah oo qasaaro soo gaaray in kastoo aan la ogayn inta ay gaarsiisan tahay.

Goob joogaha ayaa sheegay in indhihiisa ay qabteen dhaawaca ilaa 3 qof oo qaarkood xaaladooda liidato kuwaas oo laga soo dhax bixiyay Gaarigii ay saarnaayeen.