Sirta Ka Dambeysa Internet La’aanta Koonfurta Soomaaliya Iyo Qorshaha DFS (Akhriso)

WAAJIDPRESS – 1 JUL 2017:

Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobollada Koonfureed ee dalka waxaa ka jirta Internet la’aan baahsan, taasi oo saameyn nooc walbo leh yeelatay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Axmed Xaaji Cabdi ayaa waxa uu sheegay in Interneet la’aanta ay saameyn weyn ku yeelatay dalka.

Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay dadaal ugu jiraan sidii uu dib ugu soo noqon lahaa Interneetka oo muddo maalmo ah ka maqan dalka arrintaasi oo saameyn weyn ku yeelatay muwaadiniinta.

“Interneetka waxa uu ka maqan yahay dalka waana cilad guud oo soo wajahday, waan la soconaaa shirkadaha ku howlan Interneetka xiriir ayaa lasameynaa si aan u ogaanno hadba xaaladda meesha ay mareyso”.

Maqnaashiyaha Interneetka ayaa waxa uu saameyn weyn ku yeeshay guud ahaan dalka waxa uuna sigaar ah uu u saameeyay ganacsatada iyo shirkadaha duulimaadyada.

Sidoo kale waxa uu saameeyay dadka wax ku qori jiray baraha bulshada kuwaas oo maalin walba dhigi jiray baraha bulshada qoraallo iyo qormooyin.

Ilaa iyo hadda lama oga xilliga uu soo laabanayo, balse waxaa jira dadaallo ay sameynayaan shirkadaha Interneetka iyo wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya, iyada oo rajo ka muujisay in dib uu u soo laabanayo Interneetka.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: