War deg deg ah: Nin dad ku dilay, kuna dhaawacay Magaalada New York (SAWIRRO)

WAAJIDPRESS – 30 JUN 2017:

Nin hubeysnaa, ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii toogasho ka gaystay Isbitaalka Bronx-Lebanon ee Magaalada New York ee Wadanka Mareykanka.

Haweeney, ayaa waxaa la xaqiijiyay in toogashadaasi ay ku dhimatay, halka lix kalana ay ku dhaawacantay, shan ka mid ah dhibane-yaasha waxaa la sheegay in xaaladoodu culus tahay.

Dr. Henry Bello, ayaa waxaa loo aqoonsaday inuu yahay ninka gaystay toogashadaasi, kaasoo qudhiisa mar dambe la sheegay in uu is toogtay, oo uu is dilay.

Dhakhtarka falkani ku kacay oo madowga Mareykanka ah, ayaa waxaa la sheegay in uu horey kaga soo shaqeeyay Isbitaalka Bronx-Lebanon.

Henry Bello, ayaa shaqada isbitaalkaasi ka tagey sanadkii 2015-ka, ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu fara xumayn ku kacay.

Ciidamada Booliska, ayay 15 daqiiqo ku qaadatay inay gaaraan isbitaalka ay toogashadani ka dhacday, iyagoona dabaqa 17-aad ee isbitaalka ka helay meydka ninkaasi.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: