War deg deg ah: Dagaal Culus oo Ka dhacay Duleedka Garbahaareey EE gobolka GEDO

WAAJIDPRESS – 3 JUL 2017:

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dagaal qaraar oo barqanimadii maanta illaa duhurkii ka soconayay duleedka Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Ciidamada Dowladda Somaliya oo gacan aan badnayn ka helaya Ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah Amisom, ayaa maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalamay Deegaanka Birta Dheer, oo 11km u jirta Magaalada Garbahaarey.

Taliyaha Guutada 9-aad ee Qaybta 60-aad ee Xoogga Dalka, Maxamed Cabdow Cali (Sanka), ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday 9:30 subaxnimo, isla-markaana uu soo idlaaday 12:00 duhurnimo, isagoona ku faanay in dagaalka ay guulo ka gaareen.

Taliyaha, ayaa sheegay inay iyagu weerarka ku qaadeen maleeshiyada Al Shabaab, oo sida uu sheegay xilligaa isu uruursaneysay Deegaanka Birta Dheer, ayna ka saareen deegaankaasi, sida uu yiri.

Isagoo la hadlayay VOA, ayuu qeexay in dagaalka dhankooda kaga dhimatay saddex askari, halka afar kalana looga dhaawacay, ayna Shabaabku ka dileen 12 nin, 17 kalana ay kaga dhaawaceen.

Wararka laga helayo Magaalada Garbahaarey, ayaa waxay xaqiijinayan in dagaalka Ciidamada Dowladda looga dilay shan askari, ayna jiraan illaa saddex askari oo nolol iyo geeri aan midna lagu hayn, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Shabaabku ay dagaalka ku qabteen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda, walow aan si rasmi ahi warkaasi loo xaqiijin karin.

Ilo wareedyo, ayaa xaqiijinaya in maleeshiyada Al Shabaab dagaalkan looga dilay ugu yaraan toban nin, iyadoo tiro kalana looga dhaawacay.

Dagaal-yahanada Shabaab, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay iyagu ku sugan yihiin Deegaanka Birta Dheer, isla-markaana ay culeys soo saareen Magaalada Garbahaarey. Dadka reer Garbahaarey waxay ku sheegayan in uu jiro dareen laga qabo dhanka mintidiinta.

Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxaa lagu dhaliilay in qorshe xumo ay ku wajaheen dagaalkii maanta, taasina ay qayb ka tahay fashilka ay kala kulmeen Al Qaacidada Somaliya.

Arrinta kale ee Shabaabka u sahashay in ay guulo ka gaaraan dagaalkan, ayaa waxaa lagu macneeyay Ciidanka Itoobiya oo u muuqday kuwo aanay daacad ka ahayn inay la dagaalamaan Shabaabka. Dadka reer Garbahaarey ayaa la yaabay, markii Ciidanka Itoobiya dib ugu soo laabteen magaalada, xilli uu dagaalku socdo.

Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika oo sheegta in Dowladda Somaliya ay ka caawinayan arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka Al Shabaab, ayay hadana dadka Somaliyeed garwaaqsan yihiin in far ku godan tahay joogitaanka ciidamadaasi ee dalka.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: