War Deg Deg ah “Masuul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho!!

WAAJIDPRESS – 3 JUL 2017:

Wararka naga soo gaaraya degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir ayaa sheegaya in ee Rag hubeysan ay gudaha degmadaas ku khaarijiyeen mid ka mid ah Masuuliyiinta Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir .

Masuulka la dilay ayaa ahaa Gudoomiye Waaxeed waxaana lagu magacabaa Cali Cusmaan Waheleiye (Cali Jacayl) Waxuuna ahaa Gudoomiyaha Waaxda Oodwayne ee Degmada dayniile Waxaana lagu dilay Xafiiskiisa hortiisa waxaana la sheegay in laga qaatay Biskoolad uu watay.

Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxayna halkasi ka wadaan baaris ku aadan sida uu dilka u dhacay iyo raadinta dadkii ka danbeeyay dilka Gudoomiye Waaxeedka Degmada Dayniile.

Dhanka kale goobjooge u waramay Shabakadda Allbanaadir.com ayaa sheegay in Ciidanka Amaanka ay isku balaariyeen Guud ahaan degmad Dayniile waxuuna sheegay in baaris xoogan ay iminka ka socota agagaarka xaafadda Oodwayne iyo inta ku hareeraysan Xaafadaas.

Ugu danbayntii Masuulkaan la dilay ee ahaa Gudoomiye Waaxeedka Marxuum Cali Cusmaan Waheleiye (Cali Jacayl) ayaa Asbuuc kahor qarax lagula eegtay wadada warshahada ee Ee Magaalada Muqdisho waxaana Qarxaas ku dhintay hal askari oo ka tirsnaaa Ilalaada Gudoomiyaha .

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: