WARARKII ugu dambeeyay ee Madaafiic khasaaro geystay oo lagu weeraray Villa Somalia

WAAJIDPRESS – 4 JUL 2017:

Ilaa Seddex hoobiye ayaa goordhow ku dhacay meel ku dhow madaxtooyadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan Hal askari ayaa ku dhintay hoobiyayaasha, iyadoo uu dhaawac kasoo gaaray ilaa afar ruux oo ay ku jiraan ciidamo iyo dad shacab ah.

Mid kamid ah dadka ku sugnaa goobta ayaa yiri “Meel aan ka fogeyn madaxtooyada ayay ku dhaceen hoobiyayaasha, waxaan indhaheyga ku arkay Hal askari oo meyd ah iyo tiro kale oo dhaawac ah.

 

Hoobiyayaasha qaar ayaa ku dhaceen halka lagu magacaabo shimbiraale iyo agagaarka xarunta Baarista oo ku dhow Madaxtooyada.

Hoobiyayaasha lagu garaaco Villa Somalia ayaa inta badan laga soo tuura Xaafado ka tirsan isla Degmada Warta Nabadda, iyadoo inta badan ciidamada ay ku guul dareystaan inay gacanta ku dhigaan Hubka iyo Maleeshiyaadka tuura.

Ammaanka iyo ka hortaga weerarrada ay fulinayaan Shabaab,waa qodobka ugu weyn ee ka hor imaanaya dowladda cusub oo u hoggaaminayo madaxweynaha taageerrada ka heysa shacabka.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: