War deg deg ah: Agaasimihii hore EE wasaarada warfaafinta oo qarax ku dhaawacmey

WAAJIDPRESS – 5 JUL 2017:

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xalay lagu dhaawacay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliya C/risaaq Yuusuf Bahlaawi, kaasi oo ka dhacay wadada Taleex gaar ahaan inta u dhaxeysa Masjidka Sheekh C/rashiid iyo Maqaaxida Muscab ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa nuuciisa uu ahaa Miino, taasi oo lagu soo xiray Gaarigii uu watay Bahlaawi, waxayna Qaraxday markii uu maraayay wadada Taleex, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Gaarigii uu watay Agaasime Bahlaawi ayaa waxaa nuuciisa lagu sheegay SURF, waxaana uu watay dhawr Askari oo ilaalo u ahaa, kuwaasi oo Qaraxa kadib Rasaas naxdin gelisay shacabka u riday Afarta jiho.

Dhaawaca C/risaaq Bahlaawi ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Somaliya, si halkaasi loogu dabiibayo.

Sidoo kale Qaraxan ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray laba Qof oo shacab ah oo mid ka mid ah ay tahay Gabar yar, kuwaasi oo xilligii uu Qaraxa dhacayay goobta maraayay.

Dhaawaca Bahlaawi soo gaaray ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud oo garabka ayuu ka dhaawacmay sida ilo wareedyo ay noo xaqiijiyeen.

C/risaaq Yuusuf Bahlaawi ayaa dhawaan laga qaaday xilkii Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, kadib markii lagu eedeeyay Musuq maasuq, booskiisa waxaa si ku meel gaar ah loogu dhiibay C/raxmaan Al-cadaala.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: