War deg deg ah: Dagaal ay ka qeyb qaateen diyaarado oo ka dhacay duleedka Kismaayo

WAAJIDPRESS – 5 JUL 2017:

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowlada iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Luglow.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen in ka badan 15 ruux oo ah dhinacyadii dagaalamayay, iyadoo dagaalka ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal oo u gurmaday Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland deegaan ay ku go’doomeen.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in dagaalka ay Al-Shabaab kaga dileen 13 dagaalyahan, ayna ka furteen hubkii ay wateen, waxaana saaka saxaafada loo soo bandhigay meydadka illaa 9 dagaalyahan iyo hubkooda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ka soo gaaray dagaalka, waxaana la sheegayaa in tobaneeyo askari laga dilay dhankooda.

Xaalada deegaankii lagu dagaalamay ayaa ah mid degan, waxaana la sheegayaa in dhinacyadii dagaalamay aanay midna ku sugneyn.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: