War deg deg ah: Sarkaal Boolis oo hadda lagu dilay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 5 JUL 2017:

Sarkaal Booliska Somaliya ka tirsanaa, ayaa Maqribnimadii caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho, ka dib markii qarax loogu soo xiray gaarigiisii gaarka ahaa.

Cabdi-Welli Sabriye, ayaa waxaa uu qaraxan kula qarxay agagaarka wadada gasha Garoonka Aadan Cadde, waxaana loo gurmaday xilli uu si xun ugu dhaawacmay qaraxaasi.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa soo sheegaya in daqiiqado ka hor uu C/weli Sabriye dhaawacaasi ugu geeriyooday Isbitaalka Madiina oo ku yaala Degmada Wadajir.

Ciidamada Booliska oo ku baxay goobtii uu qaraxu ka dhacay, ayaa xiray wadooyinka soo gala, waxaana ay ka bilaabeen baaritaan ka dhan ah falkaasi.

Ciidamada Booliska, ayaa waxaan jirin cid ay u soo qabteen tallaabada lagu dilay Sarkaalka Booliska ka tiranaa.

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku badan gawaarida gaarka loo leeyahay ee qaraxyada loogu soo xiro shakhsiyaadka iska leh.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: