War hadda soo dhacay: Madaxweyne Farmaajo oo Generaal Indhacade u magacaabey xil cusub

WAAJIDPRESS – 5 JUL 2017:

Dowlada uu hogaaminayo Farmaajo  ayaa maanta Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde (oo ka soo jeeda beesha Habargidir), u magacawdey in uu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Hanti soo celinta Ciidanka Soomaaliyeed.

Guddigan madaxa looga dhigay Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan soo celinta hantida ma guurtada ah ee leeyihiin ciidanka Soomaaliyeed gaar ahaan dhismooyinka iyo xeryaha ciidanka ee kuyaala magaalada Muqdisho .

Waxaa durba magaalada Muqdisho ka howl bilaabay Guddiga Hanti soo celinta Ciidanka Soomaaliyeed kuwaa oo gaadiid dagaal oo lagu xiray codbaahiyaal ku tagayay dhismayaasha ee leeyihiin ciidanka dowlada iyaga oo ku amrayay dadka degan in ay isaga guuraan.

Guddigan cusub ayaa shacabka degan guryaha iyo xeryaha ciidanka gaar ahaan kuwa Milatariga u qabtay in ay uga guuraan maalmo kooban, waxaana dadkii ka madax adeega fulinta amarka loogu hanjabay in tilaabo laga qaadi doono lagana saari doono goobaha ciidanka.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: