War deg deg ah: Weerar Khasaaro geestay caawa lagu qaaday xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Muqdisho

WAAJIDPRESS – 6 JUL 2017:

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa qaraxyo iyo rasaas lagu weeraray xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho, waxaana daqiiqado laga maqlay aaga Wasaarada rasaas xoogan.

Weerarkani Ayaa loo adeegsaday hubka garbaha laga tuuro iyo midka daran dooriga u dhaca ayaa caawa lagu weeraray xarunta wasaaradda gaashaandhiga dowladda Federaalka ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaan ayaa la sheegay inuu dhacay fiidnimadii caawa, waxaana uu ku bilowday gantaalka garabka laga tuuro oo lagu dhuftay darbiga wasaaradda, kadibna waxaa xigay rasaas iyo bambooyin ay adeegsanayeen kooxda weerarka soo qaatay.

Dad ku sugan agagaarka xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sheegay in rag hubeesan sabano iyo rasaas ku weerareen caawa fiidkii xarunta Wasaarada Gaashanadhiga, waxaana rasaas culus ku jawaabay ciidanka Milatariga ee ku suganaa xarunta la weeraray.

Ciidamo kale oo katirsan Nabadsugida ayaa la sheegay in ay eryadeen ragii weerarkaasi ku qaaday Wasaarada Gaashaandhiga, lamana oga ilaa hada in ciidamada amaanka gacana ku dhigeen xubno kamid ah ragii weerarka ka dambeeyay.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhintay rasaas ka dhacday agagaarka xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo qof oo kale oo shacab ah kuwaa oo loola cararay xarumaha caafimaadka.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin weerarkan khasaaraha geestay ee caawa lagu qaaday xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, waxaana hada degan xaalada aaga uu dagaalku ka dhacay oo saacado xaalad cakirnaan ah ay ka jirtay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: