War deg deg ah: Ganacsade caan ah oo Maanta wiilashiisa LAGU diley MUQDISHO

WAAJIDPRESS – 8 JUL 2017:

Muqdisho –  Wararka ka imaanaya Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeysa Ceelasha-biyaha iyo Siinka Dheer ayaa sheegaya in Maanta halkaas lagu laayay Wiilal dhalinyaro ah oo uu dhalay Ganacsade Caan ah oo lagu Magacaabo Xaaji Gaabow.

Dadkaan oo ka yimid qabuuraha degaanka Calamada halkaasi oo lagu soo aasay qof geeriyooday ayaa la sheegay markii ay soo laabteen gaarigii ay la socdeen in lagu hor gooyay gaari kale, kadibna rasaas lala dhacay.

Dadka la laayahay oo gaaraya ilaa Shan Qof ayaa la sheegay in ay ka baxeen Magaalada Muqdisho,waxaana ay wadeen Meyd ay doonayeen in ay soo duugaan ,iyadoo halkaas lagu dilay ilaa 5 Qof.

Magacyada dadka la laayay, waxaana ay kala yihiin C/casiis Xaaji Gaabow, Maxamed Deeq Caadi Xaaji Gaabow iyo Cabdi Jibaar Xaaji Gaabow iyo ruux kale oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Yare.

Dableyda dilka gaysatay ayaanan la garaneyn sababta ay u dileen dadkaan isku qoyska ah, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in maalmihii dambe reer Xaaji Gaabow, ay ku jireen arimo ku aadan dacwad goof iyo kiisas la xiriira dhul.

Kooxihii ka dambeeyay dilka arxandarada ah ee loo gaystay dadkaasi ayaa ka baxsaday goobtii dilka ay ka gaysteen oo aheyd duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha.WAAJIDPRESS

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Xaqiijiyay in halkaas lagu laayahy illaa Lix Qof oo ka mida Familka Reer Xaaji Gaabow.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: