War deg deg ah: Uganda iyo Kenya oo iibsaday diyaarado Shabaab ay kula dagaalamaan

WAAJIDPRESS – 9 JUL 2017:

Dowladaha Kenya iyo Uganda ayaa waxa ay soo iibsadeen diyaarado ay u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ee ka socda Somaliya.

Kenya ayaa iibsatay 8 diyaaradood oo noocooda uu yahay MD 530F, halka dowladda Uganda ay iibsatay Shan diyaaradooda oo isla noocaasi ah, waxayna ku iibsadeen lacag dhan $87.6 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Labadan dowladood ciidamo badan ayaa ka jooga Somaliya, diyaaradaha ay iibsadeen ayaa waxaa isticmaalo doona ciidamadooda ka jooga Somaliya ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Uganda waxa ay horay u haysatay diyaarado dagaal oo ay Ruushka ka iibsatay kuwaasi oo tiradooda ay gaareyso lix diyaaradood oo ah nooca SU-30MK,waxaana ay ku biirisay waaxdeeda difaaca.

Sarkaal ka tirsan Shirkadda BELL ee dalka Mareykanka laga leeyahay ee diyaaradaha ka iibisay Kenya iyo Uganda, ayaa sheegay sida ugu dhaqsiyaha badan diyaaradahan in loogu wareejin doono labadan dal si ay ugu adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Xoogaga Shabaab ayaa falal lidi ku ah dhanka ammaanka waxa ay ka gaystaan dalalka Uganda iyo Kenya oo ciidamo badan ay ka joogaan Somaliya.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: