War deg deg ah: Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya cida lala eegtay

WAAJIDPRESS – 11 JUL 2017:

Qarax gaari lagu xiray ayaa goor dhow oo saaka ah ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir sida ay sheegayaan wararka degmadaas naga soo gaaraya.

Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxan uu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Xoghayaha Maamulka degmada Dayniile Mahad Sharraawe.

Xoghayaha ayaa faro cidiyo leh uga badbaaday qaraxaas loogu xiray gaarigiisa, lamana soo sheegin khasaare kale oo ka dhashay marka laga reebo burbur soo gaaray gaariga la qarxiyey.

“Mahad Sharraawe ayaa ka soo baxay hoygiisa si uu gaarigiisa u kaxeysto balse intii uu u socday ayuu gaarigu qarxay wax dhibaato ahna kama soo gaarin isaga iyo cid kale toona” ayuu yiri goob jooge halkaas ku dhowaa oo saxaafada la hadlay.

Qaraxyada noocan ah ee gaadiidka loogu xiro shaqsiyaadka la doonayo in la qaarajiyo ayaa marar badan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka tirsan Somalia, waxaana horey loogu dilay masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan heyadaha dowlada iyo shaqsiyaad kale.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: