War deg deg ah: Saldhiga Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho oo caawa la weeraray

WAAJIDPRESS – 13 JUL 2017:

Dabley hubeysan ayaa caawa weerartay Saldhiga Booliska ee ku dhex yaala Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo weerarkaasi uu ahaa mid qalqal-geliyay bulshada deegaanka.

Weerarkan waxaa lagu soo beegay, xilli caawa Salaadda Cishaha laga tukanayay Masaajidka Daawada, oo ku dhex yaala Suuqa Daawada.

Dableyda weerarka soo qaaday, ayaa iska horimaad muddo kooban socday waxay halkaasi kula gashay Ciidamada Booliska, iyadoona dib loo caabiyay dableydii weerarka soo qaaday.

Goobjooge, ayaa sheegay in dableydaasi ay ku qaylinaysay (Allahu Akbar), waxaana loo maleynaya in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Goobjoogaha oo u waramay Idaacadaha, ayaa yiri “Saldhiga la weeraray dhawr tallaabo ayuu u jiraa Masaajidka Suuqa Daawada, oo markaasi lagu tukanayay Salaaddii Cishaha. Dadka dhan argagax ayuu weerarkan ku riday.”

Waxa uu intaa ku daray “Midda labaad meesha uu weerarka ka dhacay waxaa ku teedsan xaafado ay dad rayid ah degan yihiin. Markii ay xabadda is qabsatay dadkii oo dhan guryaha ayay ku carareen, kuwii kale ee meesha maraayayna ma sheegi karaan goorta ay meesha ka carareen.”

Ciidan badan oo gurmad ahaan u tagey Saldhiga Suuqa Bakaaraha, ayaa waxay xilligan goobtaasi ka wadaan hawlgal amni xaqiijin ah.

Iska horimaadkan, ayaa waxaan jirin waxyeelo la sheegay inay ka dhalatay, inta illaa iyo hadda laga warqabo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: