War naxdin leh: Culayska Shabaab ay saareen ganacsatada Muqdisho oo walaac xoogan dhaliyay

WAAJIDPRESS – 15 JUL 2017:

Qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Magaalada Muqdisho ku sugan ayaa waxaa soo food saaray walaac ku aadan culeys ay Shabaab saareen ganacsatada, taasi oo la xiriirta dhaqaale badan oo laga doonaayo dadka ganacsiga leh.

Shabaab ayaa muddooyinkii dambe dadka ganacsatada ka soo wacaayay taleefanadooda gacanta ah waxaana ay ku amraayeen inay tagaan Magaalada Tooratoorow, Bariire ama Awdheegle, hadba meeshii uu fudud uu qofkaasi uu tagi karo, iyadoo ujeedka uu yahay in dhaqaale laga qaado qofka ganacsadaha ah.

Ganacsatada oo muujiyay culayska arintaasi ay leedahay ayaa bilaabay inay bedeshaan taleefoonadooda gacanta ah ama ay iska damiyaan si aysan u soo gaarin fariinta Shabaab ee ku aadan bixinta lacagta faraha badan.

Qaar kale oo ganacsatada ka mid ah ayaa u hoggaansamay amarka Shabaab, waxayna tageen deeganada Shabaabka ay maamulaan oo ay ku soo bixiyeen lacago fara badan si ganacsigooda badqab uu ugu noqdo, iyagana ay uga nabadgalaan Al Shabaab.

Mid ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Magaalada Muqdisho, ayaa Idaacaddaha u sheegay inuu garan la’yahay wax uu sameeyo, maadaama lacag badan ay ku amreen Shabaabka inuu bixiyo, taasi oo uusan awoodin.

Ganacsadahan oo aan diidnay magaciisa iyo shaqadiisa in aan sheegno ayaa la weydiiyay lacag dhan 50-kun oo Doolar inuu bixiyo, wuxuuna sheegay taasi inuusan awoodin bixinteeda, haddii uu bixin waayana inuu ka cabsi qabo in Shabaab ay dilaan ama ay qarxiyaan goobtiisa shaqada.

Wadada Shabaabka ay u soo maraan dadka ganacsatada ah ee dhaqaalaha ay uga qaadaan ayaa waxa ay tahay in Shabaabka ay aruurinayaan waxa ay ugu yeeraan Zakawaad, qof kasta oo hanti lehna ay ka doonayaan.

Walaaca kale ee ganacsatada ay muujiyaan ayaa ah in haddii ganacsadaha la ogaado inuu bixiyay dhaqaale uu Shabaab u geeyay inuu ka cabsi qabo Dowladda Somaliya inay xirto qofkaasi, maadaama Dowladda ay sheegtay inaysan u dulqaadanayn ganacsatada Shabaabka dhaqaalaha ku taageera.

Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haysata laba arin midkood inay kala doortaan, lacagta Shabaab inay bixiyaan, haddii ay diidaana ay suuragal tahay in dil loo gaysto iyo Dowladda oo ku goodisay inay tallaabo ka qaadeyso ganacsadihii la ogaada in Shabaab uu lacag ku taageeray.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: