War deg deg ah: Sarkaal Nabad Sugida katirsan oo Muqdisho lagu qarxiyay

WAAJIDPRESS – 20 JUL 2017:

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay Nawaaxiga Xarunta Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya oo ku taala Degmada Boondheera.

Qaraxa oo ahaa miino lagu xiray Gaari ayaa dhacay daqiiqado ka dib markii ay goobta mareen Kolonyo Gaadiid ah oo galbineysa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Jugta Qaraxa oo aan sidaa usii xooganeyn ayaa laga maqlay Xaafado kamid ah Boondheere Waxaana la qarxiyay Sarkaal katirsan Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed oo Gaarigiisa Qaraxa loogu xiray.

Sarkaalka la qarxiyay ayaa lagu Magacaabaa Janaraal C/llaahi Nuur Caana Boore oo soo gaaray dhaawac fudud, Sidoo kale qof Bajaajle ahaa ayaa ku dhaawacmay Qaraxa.

Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya ayaa daqiiqado kadib goobta qaraxa gaaray, waxeyna meesha ka wadeen Sarkaalka la bartilmaameedsaday oo lugihiisa ku socday.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir Janaraal Axmed Xasan Maalin ayaa Saxaafada goobta Qaraxa ka dhacay ugu sheegay in gaariga la qarxiyay uu ahaa Surf ayna eheyd nooca lagu xiro Kuraasta ee loogu talagalay qofka la beegsado oo Kaliya.

Tan iyo markii ay bilowdeen howlgalka Xasilinta Caasimada, waxaa sii yaraanayay Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho oo ay geystaan ururka Al-Shabaab ee dagaalka kala horjeeda Dowladda Soomaaliya

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: