War deg deg ah: Ururka ALSHABAAB oo weerarey Hiiraan iyo Madaafiic lagu Garaacey AMISOM ku sugan JOWHAR

WAAJIDPRESS – 21 JUL 2017:

Ururka Al shabaab ayaa saaka weeraray deeganka Farlibaax oo qiyaastii 45 KM dhanka Galbeed ka xiga magalaada Baladweyne iyagoo halkaa ku diley hal ruux afduubtay 3 dumar ah oo u shaqeynayay ha’yad maxali ah oo ka howlgasha gobolka Hiiraan.

Iskahorimaad kooban oo ka dhacay deeganaka Farlibaax ayaa waxaaku dhintey mid kamid ah ilaalada haya’ada maxaliga ah. Saddexda gabdhood oo ka mid ah shaqaalaha ha’yada maxali ah oo ka shaqeysa arrimaha miino baarista ayaa la sheegay in ay Al shabaab ay ka afduubteen deeganka Farlibaax islamarkana ay dileen wiil dhalinyaro ah oo la shaqeynayay ha’yada.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarka ayna sidoo wateen gaadiid ay leeyihiin ha’yado ka howlgala deeganka kuwaaso gaarayay ilaa saddex gaari.

Ururka Al shabaab ayaa sheegtay in deeganka Farlibaax ay kala wareegeen ciidamo ka tirsan Liyuu Booliska deegaanka Soomaalida degto ayna ka qabsadeen gadiid dagaal.

Dhinaca kale isla Maanta, Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in hoobiyeyaal xalay lagu weeraray saldhiga ugu weyn ee ciidamada AMISOM ku leeyihiin gobolka Sh/dhexe kaasoo ku yaal duleedka Waqooyi ee magaalada Jowhar.

Hoobiyeyaasha lagu garaacay saldhiga AMISOM iyo madaafiic loogaga jawaabay ayaa laga maqlay deegaano ka fog-fog saldhiga AMISOM ee ku yaal garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay madaafiic uga jawaabeen weerarka lagu soo qaaday lama oga qasaaraha ka dhashay weerarka hoobiyaasha ah iyo jawaabtii ay ka bixiyeen ciidamada AMISOM.

Weerarkan hoobiyeyaasha ah ee lagu qaaday saldhigga AMISOM ee duleedka Jowhar ayaa imaanaya labo maalin kadib markii Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ay ku wareejisay dhul deegaan ah oo ay dhistaan ciidamada AMISOM.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: