War hadda soo dhacay: Deegaanka PUNTLAND Ayaa kooxda Daacish oo dishay nin ka tirsanaa Shaqaalaha Golis Telecom

WAAJIDPRESS – 21 JUL 2017:

Afar ka mid ah dagaal-yahanada Ururka Daacish, ayaa waxay Gobolka Bari ku dileen mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Golis, oo ka hawlgasha Deegaanada Puntland.

Raggan, ayaa waxay xalay ninkaasi ku dileen Deegaanka Bali-daggan, oo anteeno ay ku leedahay Shirkadda Golis Telecom, xilli aan la aqoon wax sabab ah oo ay ku dileen.

Dadka deegaanka, ayaa waxay sheegeen in marxuumka lagu magacaabi jiray Mahad Maxamed Aadan, isla-markaana uu ka mid ahaa bulshada ku dhaqan deegaanka.

Dadku waxay sheegeen inaysan jirin wax sabab ah oo ay Daacish u dishay Mahad Maxamed Aadan, aan ka ahayn inay dadka macno dadka isaga dilaan.

Waxay intaa raaciyeen in marxuumka aanu ahayn nin horey godob ama aano u gaystay, aan ka ahayn inuu ka mid ahaa Shaqaalaha Shirkadda Golis.

Dadkii arkaayay dembiile-yaasha, ayaa waxay sheegeen in ay wejiyada soo qarsadeen, ka hor intii aanay ninkaasi ku dhex dilin anteenada Golis ku leedahay Bali-daggan.

Daacish oo si qarsoodi ah kaga hawlgasha Gobolka Bari, ayaa waxay xilliyada qaarkood ka gaysataa dilal ka dhan ah shacabka, mararka qaarkoodna waxaa dhacda inay dhacaan xoolaha rayidka, dabna ay qabadsiiyan guryahooda.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: