Dagaal dib uga qarxay Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud

WAAJIDPRESS – 22 JUL 2017:

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwo taabacsan dadka Deegaanka Xeraale ayaa saakay oo Jimco ah waxa uu dib uga bilowday deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Dad ku dhow deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid xooggan, islamarkaana hub culus ay Labada dhinac isuu adeegsanayaan, wuxuuna dagaalkaan daba socdaa dagaal shalay illaa xalay ka scoonaayay halkaasi.

Dagaalladan waxaa ku dhintey in ka badan 10 qof, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay. Dhammaan dadka waxyeelada soo gaartay waa dadka deegaanka iyo ciidamada Ahlu Sunna ee dagaalamay.

Ahlu Sunna ayaa Todobaad ka hor ciidan badan geysay duleedka Xeraale, halkaasi oo xiisadda ay ka dhalatay.

Dagaalka ayaa hadda wuxuu ka socda Saldhiga deegaanka Xeraale nawaaxigiisa, iyadoo ciidamada Ahlu Sunna ay ku sugan yihiin isla Saldhiga.

Ciidanka Ahlu Sunna ayaa doonaya inay la wareegaan hub yaala Xeraale, oo ay leedahay beesha deegaanka.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: