War deg deg ah: Akhriso Ka dib DAAWO: Baarlamaanka oo diiday go’aankii Maxkamadda sare ee dib ugu laabashada 8-da Kursi

WAAJIDPRESS – 22 JUL 2017:

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta diiday go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare ee dalka ee ahaa in dib loogu noqdo doorashada 8-dii kursi ee muranka ka taagnaa.

Xildhibaanada ayaa difaacay xubnaha 8-da Xildhibaan ee kuraastooda muranka la geliyay, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay si caadi ah uga qeyb galayay fadhiyad Baarlamaanka.

Illaa 184 Xildhibaan ayaa aqbashay diidmada go’aankii Maxkamadda sare ee ahaa in dib loogu noqdo doorashada 8-dii kursi ee doorashadooda lagu tilmaamay mid sharci darro ah.

Go’aanka Baarlamaanka ayaa waxay muujineysa in iska hor imaad dhanka fulinta sharciyada ah oo dhex mara hey’adaha dowladda, iyadoo Garsoorka uu yahay hey’ad madax banaan.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ansixiyay qaraar ku saabsan xil heynta xubnaha Baarlamaanka iyo buuxinta kuraasta Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa soo bandhigay shan qodob oo qofka Xildhibaanka ah ku waayi karo xubnimadiisa Baarlamaanka – DAAWO:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: