Wasiiru dowlaha iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo ka hor yimid xil ka qaadista Xoghayihii joogtada

WAAJIDPRESS – 22 JUL 2017:

Xiisad ayaa ka dhalatay shaqo joojintii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ku sameeyay Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Yaxye Cali Ibraahim, iyadoo warqad jawaab oo ka soo kala baxday Wasiiru dowlaha iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay kaga soo hor-jeesteen xil ka qaadistaas, kuna tilmaameen sharci darro.

Warqada ka soo baxday Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye oo nuqul ka mid ah ay heshay Jowhar.com ayaa lagu tilmaamay inay sharci darro tahay shaqo joojinta iyo magacaabista Xoghayaha Joogtada KMG ee Wasaaradda.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in magacaabista iyo xil ka qaadista Xoghaye Joogto ay u baahan tahay in la marsiiyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kadibna laga ansixiyo Golaha Wasiirada, laguna soo saaro digreeto Madaxweyne.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha ayaa difaacay Xoghayihii joogtada Yaxye Cali Ibraahim, isagoo xusay in eedeyntii ku qorneyd warqadii shaqo joojinta ay aheyd mid aan waafaqsaneyn xaqiiqada, sidaas darteedna loo baahnaa inay noqoto Canaan qoran iyo mid Af ah.

Dhinaca kale Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Sheekh Maxamed Nuur ayaa isna ka soo horjeestay xil ka qaadista uu sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr Juxa, isagoo ku tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka.

Wararka qaar ayaa sheegaya shaqo joojinta lagu sameeyay Xoghayihii joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim uu ka carooday Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, maadaama ay isku heyb yihiin, iyadoo la sheegayo in warqada Wasiir kuxigeenka iyo tan Wasiiru dowlaha ka soo baxday ay tahay mid taageero ka heysata Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: