DEG DEG: Dhac & Boob Layaab leh oo ka dhacay Bakaaraha & Carwo camirneyd oo Haawaneysa

WAAJIDPRESS – 25 JUL 2017:

Rag  ku hubeysan Bistoolado ayaa lagu soo waramayaa in dhac iyo boob baahsan ay u geysteen Dukaan  ganacsi oo ku yaalla Suuqa Weyn Ee Bakaaraha ee Magaalaaa Muqdisho.

Ku dhawaad 5  Dhalin yaro oo iyagu Iska Soo Dhigay Dad Wax ka Iibsanaya Dukaanka, islamarkaana Watay Baco ayaa Waxaa la Sheegay in Gudaha ay u galeen Dukaanka, kadibna Ay bilaabeen inay Durbadiibada Bacaha ay Wateen kala Soo Baxaan Bistooladu, Iyagoona Kadib Xabadka Dhulka u Dhigay Shaqaalaha ka Shaqeynayay Dukaanka la Yiraahdo Dugaal Electronic oo ah Dukaanka Maanta  la Boobay.

Sidoo kale Waxaa ay intaasi Wararka ku Darayaan in Dableydii boobka u geysatay Dukaanka ay Wateen mooto Bajaaj,Iyo Jawaano fara badan oo ay ku uruursadeen Waxyaabihii yaalay Dukaankaasi,Mana Jiraan Wax lacag ah oo laga qaatay Dukaanka.

Waxaana intaasi kadib dhacday in Raggii hubeysanaa ay qaateen ama dhaceen waxyaabihii dukaanka Yaalay oo ay ka mid yihiin  Taleefoono badan iyo Agabyo kale.

Hayeeshee Dableydii Hubeysneed ee dhaca ka geystay Dukaanka Dugaal Electronic  ayaa Durbadiiba Goobta ka baxsaday,Waxaana Jira in Ganacsato aad u fara badan ay Goobta isugu yimaadeen,kadibna iska Xog Wareystay Sida ay Wax u dhaceen.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: