War deg deg ah: Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Baardheere oo hadda la weerarey iyo Askari Boolis ah oo lagu dilay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 25 JUL 2017:

Tiro Madaafiic ayaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay Saldhiga Ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin degmadaasi Baardheere ee gobolka GEDO.

Col Maxamuud Guhaad Cumar Tima Jilac  oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee  degmadaasi  Baardheere ayaa sheegay in Al Shabaab ay Madaafiicdaasi ka soo ridayeen Duleedka degmada Baardheere islamarkaana qaarkood ay ku dhaceen nawaaxiga Saldhiga Bartilmaameedka ahaa.

Dhinaca kale, isla maanta, Koox Bastooladley ah ayaa Maanta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dishay Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya.Askariga la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay C/llaahi Cali Maxamed,waxaana Goobta ka baxsaday Kooxdii Dilka geysatay.

Ciidamada Ammaanka Degmada  Wadajir ayaa Goobta lagu dilay Askariga Baaritaano ka sameeyay,mana jirto Cid ay Falkaasi u soo qabteen.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: