War cusub: Madaxweynaha Hirshabelle oo si cad u sheegay in la Dhacay Ganacsatada Beledweyne

WAAJIDPRESS – 25 JUL 2017:

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa sheegay in la dhacay dadka ganacstada ah ee ku nool Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne Cosoble, wuxuu ka sheegay Magaalada Baledweyne, kadib markii uu kulan la qaatay ganacsatada Magaalada Baledweyne ee la siiyay lacago Shilin Somali faalso ah, kadibna laga qaatay lacago doolar ah.

Cosoble, ayaa tilmaamay Maamulka Puntland inay ka doonayaan magdhaw ku aadan lacagaha faalsada ah ee deeganada Hirshabelle soo galiyeen, maadaama Puntland ay ka yimaadeen lacagahaasi.

“Waxaan halkaan ku aragnaa waxaa waaye umad dhacan, umad hantidooda nool laga qaatay looguna bedalay waraaqo lasoo sameeyay, xaqiiqda waxay tahay ganacsiga ugu badan dadkaan waxay la leeyihiin dowlad goboleedka Puntland, waxay dadkaan ka marqaati ka cayaan in lacago been abuur ah lagu daabacayey Puntland in wax looga iibsan jiray dowlad goboleedka Hirshabelle ka hor, laakiin nasiib darro lacagihii sidaasi ahaa oo maalin walbo hantidooda ku bedalanyey la yiraahdo raali ahaada cid qaadaneysa malahan.” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.

Ganacsatada Magaalada Baledweyne, ayaa soo bandhigay lacago badan oo Shilin Somali faalso ah, kuwaasi oo ka socon waayay Magaalada gudaheeda, ganacsatadana ay ku khasaareen.

Lacagta Shilin Somaliga faalsada ah ayaa hadda iska taallo Magaalada Baledweyne, iyadoo waxba aanan lagu kala iibsan karin, taasi oo muujinaysa in ganacsatada si dadban loo dhacay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: