War deg deg ah: Dagaal khasaare sababay oo ka dhacay Degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 26 JUL 2017:

Waxaa goordhaw dagaal u dhaxeeyay Ciidamada xasilinta Xamar iyo ciidamo maleeshiyo beeleed ah uu ka dhacay Xaafado katirsan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku heleyno dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada Xasilinta oo howlgal ka waday Madiina iyo Ciidamo qaab maleeshiyo beeleed u hubeysan oo ku sugnaa xaafado katirsan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay maqlayeen rasaas ay is dhaafsanayeen labada ciidan, walina lama oga khsaraaha ka dhashay dagaalkan ka bilowday Xaafada loo yaqaan Olombik ee kutaala xadka Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya ciidamada Xasilinta gacanta ku dhigeen labo nin hubeysan oo midkood dhaawac ahaa, ragan la qabtay ayaana kamid ahaa ragii dagaalka kala hortagay ciidamada Xasilinta .

Aaga dagaalka uu ka dhacay waxaa degan ciidamo beeleed uu taabacsan  Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka tirsan Baarlamanaka Soomaaliya, lamana oga in dagaalkan ay ku lug lahaayeen ciidamada Xildhibaanka .

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: