War deg deg ah: Qarax gaari oo ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama

WAAJIDPRESS – 30 JULY 2017:

Qarax ayaa goor dhaw wuxuu ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, iyadoo jugta qaraxa si weyn looga maqlay Magaalada gudaheeda.

Gaari maraayay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Saldhiga Waaberi iyo Hotel Maka Al-Mukarama, ayaa mar kaliya qarxay, waxaana uu u muuqday qaraxa mid gaariga ay ku jireen, maadaama mar kaliya uu qarxay gaariga.

Gaariga qarxay ayaa hor maraayay Midnimo Super Market oo ah xarun ganacsi kuna taalo laamiga dabka, waxaana jira khasaare dhimasho ah oo ka dhashay gaarigaasi qarxay.

Afhayeenka ayaa sheegay in ugu yaraan 5 Qof ay ku dhinteen Qaraxa islamarkaana in ka badan 10 kale ay ku dhaawacmeen.
Dhanka kale Goobjoogeyaal ku sugnaa Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Dadka ku dhintay Qaraxa ay ka badan yihiin illaa 10 Qof,halka dhaawacuna uu gaarayo illaa 15 kale.

Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa durbadiiba ku cararay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana la xiray wadada, iyadoo hadda ay socoto baaritaanka gaariga qarxay iyo shaqsigii watay.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkaan dambe ammaanka Magaalada Muqdisho uu ahaa mid hagaagsan oo aysan ka dhicin qaraxyo iyo falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa shalay sheegay muddo bil ah Magaalada inuusan ka dhicin qarax, sidoo kalena ay yaraadeen dilalkii ka dhici jiray Magaalada, waxaana uu sababta ku sheegay.

“Aan idin sheego sababta hal bil ka badan uusan qarax u dhicin, sababta ay u yaraatay dadkii la layn jiray, sababta amni iyo kala dambeen uu u bilowday inuu magaaladan ku soo noqdo, sababta umadda rajadeeda kor ay ugu kacday, sababta iftiin cusub oo Somalinimo ah ay u muuqato, waa shaqadii idinka aad qabateen. Shaqadii waa muuqataa marka.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: