Archive for Agoosto, 2017

DAAWO: GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA Prof. MAXAMED SHEEKH CISMAAN JAWAARI OO HAMBALYO KU AADAN CIIDUL ADHXA U DIREY SHACABKA SOOMAALIYA

Agoosto 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 AUG 2017:

 

 

Advertisements

Video:-Magaalada Baydhabo Janaay oo Si Weyn Looga Dareemayo u Diyaar Garowga Ciida‏

Agoosto 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 AUG 2017:

 

 

DAAWO: MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAANTA HAMBALYO KU AADAN CIIDUL- ADHXA U DIREY SHACABKA SOOMAALIYA

Agoosto 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 AUG 2017:

 

 

DAAWO: KULANKA IS DHEXGALKA BULSHADA IYO LAAMAHA AMNIGA EE DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED OO MAANTA KA DHACAY MAGAALADA BAYDHABA

Agoosto 31, 2017

WAAJIDPRESS – 30 AUG 2017:

 

DAAWO: PUNTLAND OO MAANTA SHEEGTEY IN MAAMULKA GALMUDUG IYO ALSHABAAB OO WADA SOCDA AY MAANTA SOO WEERAREEN DEEGAANADA PUNTLAND

Agoosto 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 AUG 2017:

Taliyaha Ciidamada Maamulka Puntland ee Aaga deegaanka Jeexdin ee Gobolka Mudug CabdiRashiid Qodhob ayaa ka hadlay dagaal xalay Ciidamada Puntland iyo kuwa kale ku dhexmaray deegaanka Jeexdin,dagalkaas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Taliye Cabdirashiid Qodhob oo la hadlayay Warbaahinta ka howlgasha Puntland ayaa sheegay in weerarkaas ay ku soo qaadeen Ciidamo Isbaheysi ah oo isugu jira kuwa Galmudug iyo Al-Shabaab – DAAWO:

 

 

Akhriso ka dib DAAWO: Munaasabad Lagu Taagyeeraayo Gollaha Wasiirada KG Somalia Oo Maanta Lagu Qabtey Baydhabo

Agoosto 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 AUG 2017:

        

 

Xaflad Ballaaran oo lagu taagyeeraayo Gollaha Wasiirada Cusub Ee Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhawaan uu soo dhisey Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden, isla markaana ay ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamanka KGS, Ayaa maanta lagu qabtey Hotel Horyaal Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qiib galey, Maxamed Xasan Fiqi, Wakiilka Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden Gollaha Odayaasha Dhaqanka, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bay Cali C/raxmaan Wardheere Dooyow, Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin, Wasiiro, Xildhibaano, dhalanyaro, Haween iyo Marti- sharaf kale.

Xafladda ayaa waxa si aad looga Hadley sidii Gollaha wasiirada Cusub ay u dardar-galin lahaayeen Shaqadooda isla markaana ay soo muujiyaan waxtarkooda.

Kullanka ayaa Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aaden looga Mahadceliyey Soo Xulista Wasiiro u badan Dhalanyaro kuwaasoo saameynta Magacaawistooda laga dareemey Degaanada Dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Khudbado Kala Gedisan oo ay mas’uuliyiinta ka Jeediyeen Munaasabada ayaa dhinac kale lagu dhaliiley, isla markaana looga digey Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia iyo Siyaasiyiin kuwaasoo la sheegey inay doonayaan in qalalaaso siyaasadeed ay ka abuuraayaan Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) , Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Xafladda ka hadleya ayaa Sheegey in Gollaha wasiirada Cusub ay ku dadaali doonaan Waajibaadkii loo egmadey isla markaana waxa uu ku dheeradey Hadalka arimaha amaanka iyo Mucaaradda Koonfur Galbeeed Somalia.

“ Waxaan Mudnaanta Kowaad sineynaynaa Sugida amaanka, tan kale kuwii aan dirsay oo naga sareeyaan ayaa intii ay soo laabteen waxay leeyihiin Mucaarad ayaa nahay, waxa la yiri “ Eey Ming ing Haayny Abooshy ya haky Naghathy”, wax mucaarad la yirahdo ma jiro, waxaan u aaminsan nahay qas-wadiyaal ,hadii aan u aragno inay carqaladeynayaan amaanka XAMAR Ayaan u celineyna ,Isteeshinka ayaa ku xireynaa idima dhahayno, hadii ay noo sheegayaan wixii naga Khldan waa rabnaa, waxay doonayaan in magaalada la isku dilo, Midka mid ah Xildhibaanda ayaa nala sheegey in uu ciidan ku qoranaayo Magaalada, Waxaan tuhansan nahay inuu Al shabaab ciidan u qoraayo” ayuu yiri Xasan Eelaay.

Malaaq C/raxmaan Shiino oo ka mid ah Gollaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur galbeed Soomaaliiya oo Xaflada ka Hadley ayaa Xusey Marxaladiihi ay soo martey Koonfur Galbeed iyo meesha maanta ay mareyso isagoona kula dardaarmey Wasiirada Cusub inay laba labaan shaqadooda isla markaan wuxuu ka Hadley dhacdadii Degaanka Bariire Ee G/Sh/Hoose – DAAWO:

 

 

Labo Haween ah oo hadda MUQDISHO lagu diley

Agoosto 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 AUG 2017:

Laba dumar ah, ayaa siyaabooyin kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay dilalkoodu gaysteen rag bistoolado ku hubeysnaa.

Dilka 1aad, ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii ka dhacay Tabeellaha Sheekh Ibraahim, markii niman bistoolado ku hubeysnaa ay toogasho ku dileen haweeney shaah ku iibin jirtay halkaasi.

Dilka 2aad, ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan halka loo yaqaano Wadada Shirkadaha, oo dadka qaarkii ay u garanayan (Carwo Istaag).

Goobjooge-yaal, ayaa sheegay in rag aan heybtoodu la garanayn ay dhawr xabadood hufiyeen haweeneydaasi, taa oo goobtaasi ugu geeeriyootay dhaawacyo ka soo gaaray rasaastii lala dhacay.

Goobjooge-yaasha, ayaa sidoo kale sheegay in daqiiqad gudaheed ay raggaasi kaga baxsadeen Wadada Shirkadaha, oo mar dambe ay gaareen Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Suuqa Bakaaraha.

Saraakiisha ammaanka, ayaa sidii looga bartayba waxaa laga soo xigtay inay wadaan baaritaano ku aadan dumarka lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda waxaan la garanayn cidda ka masuulka ihi dilalkaasi, waxaan dhanka kale jirin cid sheegatay tallaabada guracan ee lagu dilay haweenkaasi.

DAAWO MAANTA BARNAAMIJ AY UNIVERSAL TV KAGA HADLEYSO HORUMARKA MAAMUL GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED

Agoosto 30, 2017

WAAJIDPRESS – 29 AUG 2017:

 

Akhriso Ka dib DAAWO: Cosoble oo ku dhawaaqay in uu Jowhar ka guuray, una guuray Baledweyne

Agoosto 29, 2017

WAAJIDPRESS – 28 AUG 2017:

Cali C/laahi Cosoble, Madaxweynihii Hirshabelle ee kalsoonida lagala noqday, ayaa maanta gaaray Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ka dib markii uu ka tagey Magaalada Jowhar.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa 14-kii bishan kalsoonida kala noqday Madaxweyne Cosoble, ka dib kulan uu mugdi ku jiray oo ay ku yeesheen Xarunta Hirshabelle ee Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha codka kalsoonida waayay oo duhurnimadii maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Baledweyne, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay wuxuu ku cadeeyay in uu ka soo guuray Jowhar, uuna ku shaqayn doono Baledweyne.

Cali C/laahi Cosoble, ayaa waxa uu Madaxda Dowladda Somaliya ku eedeeyay inay soo fara-geliyen Maamulka Hirshabelle, isla-markaana ay ka shaqeeyen, sida aan sharciga ahayn ee xilka looga tuuray, sida uu yiri.

Cosoble, ayaa sheegay haddii ay ku shaqayn waayeen Magaalada Jowhar, inay ku shaqaynayan Magaalada Baledweyne, isla-markaana ay sii wadi doonaan shaqada Hirshabelle – DAAWO:

 

War deg deg ah: CIIDAMO FARO BADAN OO ETHIOPIAN AH OO MAANTA SOO GAAREY MAGAALADA KISMAAYO EE GOBOLKA JUBADA HOOSE (DAAWO)

Agoosto 29, 2017

WAAJIDPRESS – 28 AUG 2017:

Cidamo Itoobiyaan oo qayb ka ah howlgalka AMISOM isla markaasina aan tiradooda la shaacin ayaa maanta ka soo degay garooonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo, waxaana ciidamadan garoonka kusoo dhaweeyey qaar kamid ah musuliyiinta maamulka Jubaland.

Ciidamada Itoobiya Ayaa Maanta goobo muhim ah Ka degay Magaalada KISMAAYO – DAAWO: