Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Puntland Ugu Hambalyeeyey 19 Sano Guurrada Aas Aaskooda

WAAJIDPRESS – 1 AUG 2017:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa u diray Hambalyo shacabka iyo dowladda Puntland isaga oo ugu hambalyeeyey sanad guurrada 19aad ee kasoo wareegatay markii Puntland la aas aasay.

“hor iyo horaan aniga oo ku hadlaya magaceeyga, magaca Guddoonka Golaha Shacabka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan Hambalyo leeyahay Shacabka iyo dowladda Puntland oo aan ugu hambalyeynayo 19sano guurrada aas aaskooda, waxaan leeyahay Hambalyo Hambalyo Hambalyo” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Guddoomiye Jawaari.

“marka hore Hambalyo sanad guurrada aas aaskiina , marka labaadna waxaan idiinkugu hambalyeynayaa hormarka,nabadda iyo dimuqraadiyadda aad ku tallaabsateen mudada 19ka sano ah, waxaad tusaale u tihiin Soomaaliya oo dhan, waxaan Alle subxaanahu wa tacaalaa idiinkaga baryayaa in uu idiin siyaadiyo hormarkaas aad ku tallaabsateen” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxa uu u rajeeyey shacabka iyo dowladda Puntland ee Soomaaliya nabad, hormar iyo barwaaqo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: