War deg Deg ah: Dagaal maanta ka dhacay Boosaaso iyo taliyihii ciidanka dekeda oo ku dhaawacmey

WAAJIDPRESS – 2 AUG 2017:

Taliyaha ciidamada ilaalada Dekada Boosaaso Maxamed Cali Xaashi iyo Labo Askari oo ka tirsan ciidamadiisa ayaa dhaawacyo fudud ka soo gaareen is-rasaasayn xoog leh oo magaaladda Boosaaso ku dhexmartay Ciidamadda Booliska iyo Askar ka tirsan ciidamadda Badda Puntland.
Dhaawaca Taliyaha iyo labada askari ayaa la dhigay Cisbitaalka guud ee dowladda, halkaasi oo lagu dabiibayo, waxayna dhakhaatiirta cisbitaalka sheegeen in dhaawac fudud uu Taliyaha ka gaaray feeraha, islamarkaana uusan u baahnayn in qaliin deg deg ah lagu sameeyo, sidoo kale waxay sheegeen in askarta ay qabaan dhaawacyo fudud.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in israsaasaynta ay timid kadib markii uu muran soo kala dhexgalay Ciidanka Badda ee PMPF oo isbaaro dhigtay mid ka mid ah wadooinka muhiimka ee Boosaaso iyo ciidamada Booliska oo amar ku bixiyay in laga qaado isbaaaradda la dhigay, ka dibna labada ciidan ayaa rasaas isku furay, taasi oo si weyn looga maqlayay guud ahaan Magaaladda Bosaso.
Dhinaca kale, Xarunta Ganacsiga ee Puntland waxaa subaxnimada maanta ka dhacay mudaaharaad ay ka qayb-qaateen qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso, sababta mudaaharaadka dhalisay ayaa ah, kadib markii laga diidey magaalada in wax lagu iibsado lacagta Soomaaliga.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: