War deg deg ah: Akhriso Ka dib daawo: Qarax ismidaamin baabuur ah oo hadda Maqribka Muqdisho Ka dhacay

WAAJIDPRESS – 4 AUG 2017:

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaasoo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

Qaraxa uu ka dhacay maqaayad ku dhow Isbitaalka Daaru Shifa iyo Hotel Ambasaador ee wadada Maka Al-Mukarama.

Qaraxan hadda dhacay ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka Hotel Ambasador oo ku yaalla inta u dhaxeysa isgoysyada Taleex iyo shaqaalaha, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Isbitaalka Daaru-shifa.

Qaraxan ismidaaminta gaariga loo adeegsaday xiliga uu qarxyay laamiga socday halka warar kalana sheegayaan in gaariga laamiga dhinaciisa la dhigay.

Jugta Qaraxan ayaa waxaa si aad looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana Qaraxa uu dhacay xilli Maqrib ah.

Inta la xaqiijiyay sadex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxan ka dhacay Laamiga Maka Al Mukarama, waxaa sidoo kale qaraxan ku dhaawacmay dad ka badan 5-qof kuwaa oo loola cararay gobaha caafimaadka.

Qaraxan ayaa burbur xoogan u geystay goobaha Ganacsi ee ku yaalla goobta uu Qaraxa uu dhacay, xaalada goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa hada ah mid kacsan, waxaana baaritaano wada Ciidamada ammaanka Dowladda – DAAWO maqaayada la qarxiyey iyo afhayeenka Dowlada oo meesha qaraxan Ka warbixiyey:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: