War culus: Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo digniin u diray dadka dacaayadda ka fidiya Baarlamaanka

WAAJIDPRESS – 6 AUG 2017:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa digniin u diray dadka Masuuliyiinta ee dowladda ka tirsan iyo dadka shacabka ah ee baraha bulshada ku faafiya wararka lidiga ku ah Golaha Shacabka.

Jawaari ayaa waxa uu tilmaamay in aan la aqbali doonin in meel loogu dhaco sharafta Xildhibaanada Qaranka iyo Guddoonkooda Golaha Shacabka.

Jawaari ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan cid walbo oo warar been ah ka faafisa Golaha Shacabka, sidoo kalena sharciga la marsiin doono dadka been abuurka ka faafiya Baarlamaanka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xildhibaanada ay gudanayaan oo keliya Waajibaadkooda Dastuuriga ah balse aysan jirin Wasiir iyo Xukuumad ay duulaan ku yihiin.

“Arinta aan ka digaayo mar walba dadkiina Facebook wax ku qor qora iyo dadkiina shacabka ka midka ah ee tirada yar oo fidna wadayaasha ah ee Facebook wax ku qor qora, Golaha Shacabka waajibkiisa ayuu gudanayaa wax dhibaato ah ama duulaan cid uu ku yahay ma jirto Xukuumad cid duulaan ku ah ma jirto hayeeshe xisaabtan wuu jiraa, kuwa wax ku qor qoraayo ee qoriga dabka leh la wareegaayo waa inaad joojisaan.” Ayuu yiri Jawaari.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa baraha bulshada waxaa la soo dhigaayay qoraalo lagu muujinayo in Golaha Shacabka ay doonayaan in ay xilka ka qaadaan Wasiirka Dastuurka sidoo kalena ay mooshin ka keenaan Xukuumada.

Qoraalada baraha bulshada la soo dhigaayay ayaa ahaa sida guddoonka Golaha Shacabka uu sheegay kuwo meel loogu dhacayo Sharafka iyo Xasaanada Xildhibaanada Qaranka.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: