War deg deg ah: Qarax xoogan oo gordhow gil gilay Kenya & dhaawaco jira..

WAAJIDPRESS – 7 AUG 2017:

Ugu yaraan Labo Qof oo ciidanka KENYA ayaa ku dhaawacantay Qarax Miino oo lala eegtay Gaari ay saarnaayeen oo maayay deegaanka Nyongoro oo u dhaxeeya wadada isku xirta magaalooyinka Garsen iyo Lamu ee dalka Kenya.

Waxaana looga shakisan yahay in ay miinadaa ay dhulka ku aaseen ururka Ururka shabaab ee ka dagaalamo gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxa howlgalada amaanka degaanka Linda Boni Joseph Kanyiri ayaa xaqiijiyay in uu weerarkaa miino uu dhacay xilli ay ciidamada amaanka ay howlgalo ka wadeen degaankaasi.

Isagoona sheegay in wax dhimasho ah uusan ka dhalan qaraxaasi miino ee lala eegtay gaarigaasi.
Gaarigaan qaraxa miino la kacay ayaa ka yimid degaanka Milindi isagoona kusii jeeday degaanka Mokowe oo ka tirsan gobolka xeebta ee Lamu.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dowlada soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa walaac xoogan so food saaray kadib markii hogaamiyaha mucaaradka dalka kenya haatan kamid ah musharaxa ugu horeeyo doorashada oo sheegay in soomaaliya kala bixi doono ciidamadiisa.

Musharxa Raila Odinga ayaa sheegay in ciidamada ka jooga soomaaliya kala soo bixi doono hadii oo ku guuleysto doorashada madaxweyninimada dalka kenya waxaana oo ku daray in amaanka dalkiisa sara u qaadi doono.

Odinga ayaa sido kale sheegay in soomaaliya mushkiladeeda la doonaayo in ayaga xalistaan oo xalin karin ciidamo kasocda dalal kale waxaana oo wacad ku maray in 90 maalmood oga soo bixin doono dalka soomaaliya.

Sido kale musharax Raila ayaa sheegay in aqoonsi wadan gooni ah siin doono maamulka mudada fog raadinaaye ictiraafka ee somaliland waxaana oo sheegay in oo u qalmo oona soo buuxiyay dowladnimada.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: