War deg deg ah: MAGAALADA BOOSAASO OO MAANTA LAGU DILEY GUDOOMIYE KU XIGEENKII HORE EE GOBOLKA BARI EE MAAMULKA PUNTLAND

WAAJIDPRESS – 7 AUG 2017:

Dabley hubeysan, ayaa maanta toogasho ay ka gayteen Magaalada Boosaaso waxay ku dileen Allaha u naxariistee Gudoomiye Kuxigeenkii hore ee Gobolka Bari, Khadar Ismaaciil Cabdulle.

Dableydan oo aan heybtoodu la garanayn, ayaa waxaa la sheegay in marxuumka ay ku beegsadeen Bartamaha Magaalada Boosaaso, gaar ahaan halka loo yaqaano Afar Irdoodka.

Wararka, ayaa sheegaya in dableydaasi ay dilka ka dib ka baxsatay goobtaasi, oo mar dambe ay gaareen Ciidamada Booliska ee Magaalada Boosaaso ka hawlgala.

Saraakiisha Booliska, ayaa waxaa laga soo xigtay inay ku hawlan yihiin baaritaanada la xiriira kuwii dilka gaystay, inkastoo aanay cid gaar ahi ku eedayn.

Khadar Ismaaciil Cabdulle, ayaa Gudoomiye Kuxigeen u ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari, C/salaan Maxamed Gallan, maamulkii uu madaxweynaha ka ahaa C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole).

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: