War deg deg ah: Barakac ballaaran oo weli ka soconaya Magaalada Nairobi (Daawo Sawirada)

WAAJIDPRESS – 7 AUG 2017:

Barakac ballaaran, ayaa waxaa la soo sheegaya in weli uu ka soconayo Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya, xilli maalinta berrito ahi lagu wado in dalkaasi ay ka qabsoomto doorashada madaxtinimada.

Qoysaskan, ayaa waxay walaac xoogani ka muujinayan in gacan ka hadal uu dhex maro taageere-yaasha labada nin ee xilkaasi ku loolamaysa, haddii midkood uu ka biyo diido natiijada doorashada.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo ku hardamaya xafiiska madaxtooyada, ayaa waxaa la hadalhaya in doorashadani ay noqon doonto mid ay aad isugu dhowyihiin.

Qoysaska ka barakacaya Magaalada Nairobi, ayaa magaalada kaga baxaya basaska dadweynaha, iyagoo u safraya dhulka ay aaminsan yihiin inay kaga badbaadi karaan, haddii rabshado dhacaan.

Qaar ka mid ah qoysaska ka tegaaya Magaalada Nairobi, ayaa Warbaahinta u sheegay inay ka baxsanayan rabshado lamid ah kuwii dalkaasi ka dhacay sanadkii 2007-dii.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: