War deg deg ah: Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Jubbada hoose

WAAJIDPRESS – 10 AUG 2017:

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya xalay diyaaradaha dagaalka Kenya inay duqeyn ku garaaceen deegaan dhaca duleedka Degmada Afmadow.

Dadka deegaanka ayaa sheegay diyaaradaha dagaalka Kenya inay dhawr gantaal ku dhufteen miyiga fog deegaanka Weelmaaroow, ee Gobolka Jubbada hoose.

Goobta la duqeeyay, ayaa la aaminsan yahay inay ku sugnaayeen dagaalyahano badan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, gaar ahaan ciidanka Jabhadaha Shabaab ee ku sugan Gobolka Jubbada hoose.

Duqeynta Diyaaradeed oo ay fuliyeen Dowladda Kenya, ayaanan jirin faah faahin rasmi ah oo laga helaayo khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

Xoogaga Shabaab ayaa Idaacada Afkooda ku hadasha ee Andalus, waxa ay ka sheegeen duqeyntaasi in lagu laayay xoolo badan goobta la duqeeyay ku sugnaa.

Al Shabaab ayaa sheegay ku dhawaad 10 neef oo geel ah inay ku dileen ciidamada Kenya duqeyntaasi oo sida ay sheegayaan socotay muddo hal saac ku dhaw.

Majirto ilo ka madax banaan Shabaab iyo ciidamada Kenya oo si rasmi ah u xaqiijinaya khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawac ah ee ka dhashay duqeyntaasi Xoogan ee ciidamada Kenya ay fuliyeen.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: