War deg deg ah: Qarax gaari loo adeegsadey oo hadda MUQDISHO Ka dhacay

WAAJIDPRESS – 10 AUG 2017:

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo goordhow ka dhacay wadada Maka Almukarama ee magaaladda Muqdisho.

Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay inta udhaxeysa Shaleemo Soomaali iyo Hoteel Maka Almukarama gaar ahaan kasoo horjeeda Carwo Al-kowthar.

Daryanka qaraxan ayaa si xooggan looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxan ka dib la maqlay rasaas aan badneyn oo loo malaynayo iney rideen ciidamada dowlada.

Goobjooge kale, ayaa sheegay in ciidamada ay ka shakiyeen gaarigaasi, ka dib markii ninkii la socday uu wadada kaga degay, lana wacay ciidamada miino baarista, isla-markaana uu qarxay intii aanay goobtaasi soo gaarin miino baarista.

Goobjooge, ayaa sheegay in qaraxa ka dib la maqlay rasaas, taasoo ay rideen Ciidamadii Dowladda ee goobta ka ag-dhawaa.

Wariye Ciise Cabdi Ciise oo ka mid ah Wariyaasha Magaalada Muqdisho kana tirsanaa dadka ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in hal qof oo ah Ciidanka Gaarka ah ee Miinooyinka Baara ah oo ku dhaawacmay.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa ku soo batay mudooyinkan qaraxyada gaadiidka laga soo buuxiyey, waxaana qaraxan uu noqonayaa kii afaraad ee todobaadyo gudahood ka dhaca wadadan oo ah mida ugu mashquulka badan Muqdisho.

 

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: