War deg deg ah Akhriso Ka dib DAAWO: Wasiir Yuusuf Garaad oo Mooshin laga gudbiyay (Akhriso)

WAAJIDPRESS – 10 AUG 2017:

 Ku dhowaad 12 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka ayaa mooshin ka gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar, isla markaana uu isla Maanta gudoonka baarlamaanka aqbaley moshinkaasi; Moshinka oo ah:  si wax looga weydiiyo ku dhaqan la’aanta faritaanka sharci Lr. 112 sharciga shaqaalaha arrimaha dibadda ee dalka la dhaqangalay 05/09/2013 gaar ahaan qodobkiisa 1aad(b) iyo qodobka 4aad ee shuruudda diblomaasiga dibadda loo diraayo.

Qodobadda Yusuf Garaad lagu heysto waa awood qeybsiga beelaha 4.5 iyo qoondada beel walbo ay ka tahay in ay ka hesho shaqaalaha arrimaha dibadda, waxaa kale oo wax laga weydiin doona shuruudaha laga doonayo diblomaasiga dibadda loo dirayo.

Su’aalaha La Doonayo in Yusuf Garaad Ka Jawaabo:

Qodobka 1aad: Kamid noqoshada shaqaalaha wasaaradda

Muwaadinka Soomaaliyeed ee doonaya inuu ka shaqeeyo Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah waa inuu soo buuxiyo shuruudahan:

A. Inuu yahay Soomaali  yaqaanana luqadaha Af-Soomaaliga (Maay & Maxaa Tiri) hadal & qoraalba

B. Inuu ka diiwaan gashanyahay Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Dowlada Rayidka ah.
C. Haddii uusan kamid ahayn in la diiwaangeliyo.

D.  In la hubsado isagoo lamarinayo Hay’adaha Qaranka ee kushaqada leh in aanu dambi gelin.

E. Hadii aanu ahayn Xirfadle ama Shaqaalaha hoose, waa in aqoontiisu tahay ugu yaraan heer jaamacadeed, islamarkaana uu qoraal iyo kuhadalba si fiican u yaqaan ugu yaraan mid ka mid ah afafka Carabiga, Ingiriiska iyo Faransiiska.

F. In uu dhimirkiisu fiyowyahay, jir ahaan iyo iyo lixaad ahaanba gudan karo howlaha diblomaasiyadda.

G. In uu bulshada ku dhex leeyahay sumcad fiican.

H. In uu ku guuleysto Imtixaanka Qiimaynta Wasaaradda, iyo In uusan leheyn wax balwo ah ee wax u dhimi karta sharaftiisa iyo gudashada waajibaadkiisa Qaran.

Qodobka 2aad: Sarnaynta iyo baabi’inta Ergooyinka diblomaasiyadda iyo Qunsuliyadaha

Ergooyinka diblomaasiyadda iyo Qunsuliyadaha waxaa lagu samayn karaa ama lagu baabi ‘in karaa Go’aanka Golaha Wasiirrada oo cuskanaya soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah; iyadoo isla markaana sababaha keenay sameynta iyo baabi ‘inta lala socodsiinayo Guddiga Arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed, isla markaana lagu soo saaro Dekareeto Madaxwaynaha Jarnhuuriyadda Federaalka ah.

Magacaabista Madaxa Ergooyinka, Qunsuliyadaha iyo Hawlwadeennada Diblomaasiyiinta ah; waa in la waafajiyaa isku-dheelitirka Habka Awood Qeybsiga Dalka ee 4.5; – iyo qodobo kale – DAAWO:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: