Askari Goor Dhow Lagu Toogtay Magaalada Muqdisho.

WAAJIDPRESS – 12 AUG 2017:

Muqdisho  – Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa lagu soo warramayaa in Askari ka tirsanaa Ciidanka Minishiibiyada ee qaabilsan Uruurinta Canshuuraha ku dileen Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu ka dhacay Suuqa Degmada Heliwaa , iyadoona Askariga la dilay ay Kooxihii geystay falkaas ka qaateen Qorigiisii.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga degmada Heliwaa Abshir Karaan oo Idaacadda Shabeele wareysatey Maanta Ayaa sheegey in askariga la diley lagu magacaabi jirey Shaafici.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa intaas ku daray in Ciidamda Ammaanka degmada Heliwaa ay meesha wax ka dhaceen ka sameeyeen howlgal ay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo lala xiriirinayo dilkaas.

Walow dadka deegaanka ay sheegeen in kooxihii ka dambeeyay dilka Askariga Ciidamada Minishibiyada ka tirsanaa ay isaga baxsadeen halka ay ka geysteen falkaasi dilka ah ee Suuqa degmada Heliwaa.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: